Hamm … waxay u egtahay il-mariskaagu (browser) inuu duugoobay.
Aan cusboonaysiinno il-mariskaaga si aad ugu raaxaysato mahadhada degdeg badan, ee degelka aadka u sugan.
Asturnaanta
- Ogeysiiska Ku Dhaqanka Asturnaanta ee HIPAA
- Siyaasadda Asturnaanta Mareegta
- Siyaasadda Ilaalinta Lambarka Sugnaanta Bulshada
Ogeysiiska Ku Dhaqanka Asturnaanta ee HIPAA
Ogow sida macluumaadka caafimaadkaaga loogu xafido si gaar ah Ogeysiisyada Ku Dhaqanka Asturnaanta ee HIPAA (PDF, Ingiriisi)iyoOgeysiisyada Ku Dhaqanka Asturnaanta ee HIPAA (PDF, Español).
Siyaasadda Asturnaanta Mareegta
Horudhaca
Asturnaantaadu waa noo muhiim. Siyaasaddan waxay kuu sheegi doontaa macluumaadka aan ururino, sababta aan u uruurino, iyo waxa aan ku samayno. Siyaasaddan waxay kaliya khuseysaa mareegtan. Gudaha siyaasaddan, "annaga," "waxeena," iyo "Shirkadda" waxaa loola jeedaa UnitedHealthcare, shirkadaha xiriirka la leh, iyo shirkadeena weyn ee UnitedHealth Group.
Mareegtan waxaa loogu talagalay daalacdayaasha Mareykanka. Macluumaad kasta oo aad bixiso waxaa lagu baari doonaa gudaha Mareykanka.
Kukiyada
"Kukiyada" waa faylal yar yar oo qoraal ah oo ku keydsan kumbuyutarkaaga. Kukiyada ayaa kuu fududeynaya inaad ku wareegto gudaha mareegta adigoo dib u gelinin magacaga, furaha sirta, iyo doorbidaadaada. Shirkaddu waxay isticmaashaa kukiyo si loo ogaado boggaga la isticmaalayo, inta jeer ee la isticmaalo, iyo si loo hawlgeliyo sifooyinka mareegta qaarkood.
Kukiyada looma isticmaalo in lagu uruuriyo macluumaad shaqsiyeed. Nooma sheegayaan cidda aad tahay. Haddii uusan sharcigu oggolayn mooyee, waxaa laga yaabaa inaan isticmaalno kukiyada
Waad iska damin kartaa kukiyada waqti kasta adigoo beddelaya hagaajinta barowsarkaaga. Tani waxay xaddidi kartaa isticmaalkaaga sifooyinka mareegta. Waxaad sidoo kale maarayn kartaa isticmaalka tiknoolajiyada "flash", adoo isticmaalaya Qalabka maaraynta Flash ee laga heli karo mareegta Adobe.
Macluumaadkaaga Shaqsiyeed
"Macluumaadka shaqsiyeed" waa macluumaad noo sheegaya qofka aad tahay. Waxaa ku jiri kara magacaaga oo buuxa, lambarka telefoonka, cinwaanka iimaylka, cinwaanka, ama lambarrada akoonnada qaarkood. Ma ahan inaad na siiso macluumaadkaaga shaqsiyeed. Haddii aadan samayn, waxaad xaddidi kartaa isticmaalkaaga hawlaha mareegta qaarkood.
Waxaa laga yaabaa inaan kula soo xiriirno annagoo isticmaalayna cinwaanka iimaylka, telefoonka, lambarka telefoonka gacanta, lambarka farriinta gaaban, ama lambarka fakiska ee aad bixiso adoo u marayo mareegtan. Waxaan u isticmaali karnaa macluumaadkan inaan kaala soo xiriirno wax ku saabsan maaraynta caafimaadkaaga.
Waxaa laga yaabaa inaan isku darno macluumaadkaaga shakhsiyeed ee aad nagu siisid mareegtan iyo macluumaadka shaqsiyeed ee kale ee ay hayso Shirkaddu, oo ay ku jiraan shirkadaha nagu xiran ama iibiyeyaashayada. Tusaale ahaan, haddii aad naga iibsatay baddeeco ama adeeg, waxaa laga yaabaa inaan isku darno macluumaadka gaarka ah ee aad ku bixiso mareegtan iyo macluumaadka ku saabsan helitaankaaga badeecadda ama adeegga.
Wadaagista Xogta Shaqsiyeed
Waxaan kaliya la wadaagi doonaa macluumaadkaaga shakhsiyeed dhinacyo saddexaad sida ku qeexan siyaasaddan iyo sida sharcigu oggol yahay.
Waxaa laga yaabaa inaan wadaagno macluumaadka shakhsiyeed haddii dhammaan ama qayb ka mid ah Shirkadda la iibiyo, lagu daroshirkad kale, la kala diro, la gato, ama wax la mid ah dhacaan.
Waxaa laga yaabaa inaan wadaagno macluumaadka shakhsiyeed si aan uga jawaabno amar maxkamadeed, yeerid maxkamadeed, waaran baaris, sharci ama qaannuun. Waxaa laga yaabaa inaan kala shaqayno mas'uuliyiinta fulinta sharciga baaritaanka iyo maxkamadaynta falalka sharci-darrada ah, ku xadgudbka shuruucdayada, ama wax u dhimi kara dadka kale ee soo booqda.
Haddii aad macluumaad soo gudbiso ama geliso qol lagu wadasheekeysto, boorka wargelinta, ama " wadasheekeysi" kale oo ka jira mareegtan, macluumaadka aad soo gudbiso oo uu la socdo magacaaga aqoonsiga waxay noqon doonaan mid u muuqan doona booqdayaasha oo dhan. Booqdayaashu waxay la wadaagi karaan macluumaadka dadka kale, waxaana laga yaabaa in macluumaadka uu noqdo mid guud.
Waxaa sidoo kale laga yaabaa inaan la wadaagno macluumaadka shakhsiyeed shirkado kale oo saddexaad oo aan shaqaalayno si ay u qabtaan adeegyada iyagoo na matalaya.
Mareegtan waxaa laga yaabaa inay kuu oggolaato inaad aragto haybtaada booqde iyo macluumaadka shakhsiyeed ee la xiriira iyo inaad codsato isbeddelada macluumaadkaas. Haddii sifadan la heli karo, waxaan ku dari doonaa xiriiriye mareegtan oo leh cinwaan la mid ah "Haybtayda".
Mareegta iyo Sugnaanta Macluumaadka
Waxaan joogtaynaa ilaalinada macquulka ah ee maamul, farsamo iyo jireed si aan gacan uga geysano ilaalinta macluumaadka ee aad ku bixiso mareegtan. Si kastaba ha ahaatee, ma dammaanad qaadi karno sugnaanta mareegahayaga. Ma dammaanad qaadi karno in macluumaadkaaga aan la joojin doonin inta la noo soo marinayo Internet-ka. Mas'uul kama nihin falalka sharci-darrada ah ee cid kale gaysato sida dembiilayaasha.
Nidaamkeena Wadaxiriir ee Onlaynka ah
Waxaa laga yaabaa inaan kuugu soo dirno wargeysyo, ogeysiinta heerka akoonka, iyo wadaxiriirada kale, sida wadaxiriirada suuqgeynta qaab elektaroonig ah. Waxaa sidoo kale laga yaabaa inaan soo dirno iimaylo ku saabsan macaashyada caafimaadka ee guud, cusbooneysiinta mareegta, xaaladaha caafimaadka, iyo mawduucyada caafimaadka ee guud. Waxaa laga yaabaa inaad noo sheegto inaadan rabin inaan kuu soo dirno wadaxiriirkan. Nala soo xiriir si aad wax badan u ogaato.
Macluumaadka loogu talagalay Carruurta ka yar 13
Si ula kac ah uga ma uruurin doono macluumaadka shakhsiyeed carruurta ka yar 13 jir iyadoo loo marayo mareegtan iyadoo aan oggolaansho laga helin waalidka. Fadlan nala soo xiriir haddii aad u malaynayso inaan macluumaadka shakhsiyeed ka soo uruurinay ilmo ka yar 13 jir iyadoo loo maray mareegtan.
Nagala Soo Xiriir
Si aad nagala soo xiriirto wax ku saabsan Siyaasadda Asturnaanta ee Mareegtan iyo ku dhaqanka asturnaantayada la xiriirta, fadlan nagala soo xiriir:
UnitedHealthcare Privacy Office
MN017-E300
PO Box 1459
Minneapolis MN 55440
Taariikhda siyaasaddan dhaqangalka tahay:
Sitembar 21, 2016.
Isbeddellada lagu sameeyo Siyaasadda Asturnaanta ee Mareegtan.
Waxaa laga yaabaa inaan beddelno Siyaasadda Asturnaanta ee Mareegtan waqti kasta. Isbeddellada ayaa ka muuqan doona boggan ku jira mareegtayada. Haddii aan samayno isbeddelo muhiim ah, waan ku ogeysiin doonaa.
Siyaasadda Ilaalinta Lambarka Sugnaanta Bulshada
Waxaan ilaalinaa qarsoodida lambarada Sugnaanta Bulshada ("SSNs") annagoo adeegsanayna dhowritaano jireed, elektaroonig, iyo maamul gacan ka geysanayo ka ilaalinta gelitaanka aan la idmin. Ma oggolin shaacinta sharci-darrada ah ee SSN-yada.
Mareegtan waxaa laga yaabaa inay kuu oggolaato inaad aragto haybtaada booqde iyo macluumaadka shakhsiyeed ee la xiriira iyo inaad codsato isbeddelada macluumaadkaas. Haddii sifadan la heli karo, waxaan ku dari doonaa xiriiriye mareegtan oo leh cinwaan la mid ah "Haybtayda".
Xiriiriyahan ayaa la diyaariyaa si aad macluumaad uga hesho mareegta qolo saddexaad. Xiriiriyahan ayaa loo bixiyaa oo keliya si habboon, mana ahan ayidida waxa ku jira mareegta ay leedahay qolo saddexaad ama alaab ama adeeg kasta oo lagu bixiyo mareegtaas. Annagu mas'uul kama nihin alaabaha ama adeegyada la bixiyo ama waxa ku jira degel kasta oo nagu xiriirsan ama xiriiriye kasta oo ku jira shabakad nagu xiriirsan. Ma samayno wax matalaad ah oo ku saabsan tayada alaabaha ama adeegyada la bixiyo, ama waxa ku jira ama saxnaanta agabyada ku jira mareegaha caynkaas ah.