U gudub tusmada ugu weyn
Loogu Talagalay Xubnaha (Wuxuu ku furmaa qayb cusub)
Tusmada Ugu Weyn

La Dagaalanka Khiyaanada Daryeelka Caafimaadka

Khiyaanada iyo beeldareynta ka jirta barnaamijka Medicare qof walba ayay waxyeellayn kartaa. Haddii aad ka shakisan tahay kiis khiyaano suurtogal ah, fadlan si degdeg ah noogu soo sheeg. Waa kuwaan tusaalayaasha khiyaanada:

  • Qof ayaa iska dhigaya inuu matalo Medicare ama Social Security wuxuuna weydiinaya Lambarkaaga Sugnaanta Bulshada, akoonkaaga bangiga ama lambarrada kaararka bangiga, lacag, iwm.
  • Qorshaha daawooyinka ee Medicare wuxuu kuu takooraa da', caafimaad, jinsiyad, diin ama dakhli ahaan.
  • Qorshaha daawada ee Medicare wuxuu kugu dhiirigelinayaa inaad joojiso diiwaangelintaada.
  • Ururku wuxuu ku siinayaa lacag caddaan ah ama haddiyad qiimiheedu ka badan yahay $15 si aad isugu diiwaangeliso qorshaha.
  • Farmashigu wuxuu kugu dalacayaa daawooyin aadan qaadanin, ama wuxuu ku siinayaa daawooyin ka duwan kuwa dhakhtarkaagu dalbay. (Farmashiyadu waxaa laga yaabaa inay ku siiyaan daawo guud oo lagu beddelo daawada summadda shirkadda leh haddii uusan dhakhtarka daawada qoray uusan oggolayn in la beddelo).

Si aad u soo sheegto kiis dhici kara oo khiyaano ah, fadlan kala xiriir Adeegyada Macmiilka lambarka ku yaala dhabarka dambe ee kaadhka aqoonsiga (ID) ee xubinimadaada. Adeegyada macmiisha ayaa kugu xiri doonaan khadkayaga khayaanada ee gaarka ah. Waxaad u soo sheegi kartaa kiisaska si qarsoodi ah waxaana ku dadaali doonaa inaan ilaalino sirtaada haddii aad rabto. Waxaa laga yaabaa inaynu dammaanad qaadi ek u qarsoodidaada haddii ay fulinta sharcigu ku lug leeyihiin. Waxaan u joogeynaa siyaasadda ek ue aan aargoosiga lahayn ee loogu talagalay dhammaan warbixinnada si daacadnimo leh.

Waxaad sidoo kale si toos ah uga waci kartaa Medicare lambarka 1-877-7SafeRx (1-877-772-3379) ama booqowww.healthintegrity.org si aad u soo sheegto khiyaanada suurtagalka ah.

>
Powered by Translations.com GlobalLink OneLink Software