
Hamm … waxay u egtahay il-mariskaagu (browser) inuu duugoobay.
Aan cusboonaysiinno il-mariskaaga si aad ugu raaxaysato mahadhada degdeg badan, ee degelka aadka u sugan.

10 calaamadaha inay tahay waqtigii la soo geli lahaa caawinaada daryeelbixinta
La Soo Geliyay: Maarso04, 2022
Taariikhda Ugu Dambaysay ee La Cusbooneysiiyay: Maarso04, 2022
Waxaa jira siyaabo badan oo qof u noqdo daryeelbixiye. Dadka qaar ee leh waalid da' ah ama qof ay jecel yihiin, waxa laga yaabaa inay isla markiiba ku dhacdo jiro lama filaan ah ama xaalad caafimaad oo degdeg ah. Laakiin kuwa kale, isbeddelku wuxuu u dhici karaa si tartiib tartiib ah. Taasi waxay adkeyn kartaa in la ogaado goorta la soo galayo.
U fiirso calaamadahan uu qof uga baahan karo caawimaad dheeraad ah daryeel bixiyaha.
Hel hagahaaga qorshaha laba geesoodka ah oo bilaash ah
Wax kasta oo aad uga baahan tahay inaad ka ogaato Qorshaha Laba Geesoodka ah ee Dadka Qaba Baahiyaha Gaarka ah oo ku jira hal, hage oo habboon.
1. Joojinta hawlaha joogtada ah
Ka tanaasulida hawlahooda bulshada ee ay jecel yihiin iyo inay doortaan inay guriga joogaan beddelkeeda waxay noqon kartaa calaamad muujinaysa inuu qof ka baxayo ama isgo'doominaayo. Dhab ahaantii waa wax la ilaaliyo.
2. Muuqaal aan la dhaqin ama aan hagaagsanayn
Tani waxay calaamad u noqon kartaa dhibaato maskaxeed sida xusuusta oo lunto. Ama waxay noqon kartaa calaamad muujinaysa in qof ay ku adag tahay hawl maalmeedka sida qubayska iyo labiska.
3. Daawooyinka oo aan la qaadanin
Joojinta qaadashada daawooyinka waxay noqon kartaa calan weyn oo cas. Waxay noqon kartaa calaamad muujinaysa dibaato xusuus. Waxay kaloo khatar ku tahay fayoobida qofka
4. Hilmaanka
Qof kastaa wuu meel qaldan digaa furayaasha ama wuxu iloobaa inuu waxyaabo sameeyo marmarka qaar. Balse marka hilmaanku uu dhaco marar badan, waxay noqon kartaa calaamad dhibaato weyn ah oo xagga xusuusta ah ama fikirka ah.
5. Guri qasan
Awood la'aanta in aad la socoto hawlaha caadiga ah ee guriga waxa laga yaabaa inay calaamad u tahay isbeddelka caafimaadka jidhka ama maskaxda.
6. Nabar aan la garanayn
Nabarrada dahsoon waxay noqon karaan calaamad muujinaysa in qof da'da ah uu dhacay.
Qorshayaasha caafimaadka laba-geesoodka ah waxay fududeynayaan isku dubaridka daryeelka loogu talagalay dadka u baahan inay maareeyaan dhakhaatiir, takhasuslayaal iyo adeegyo daryeel oo badan.
7. Aan xiranayn dharka saxda ah
Aan labbisanin cimilada qabow ama qoyan waxay noqon kartaa calaamad muujinaysa in qof uusan is daryeeli karin. Luminta dharka waxay noqon kartaa calaamad muujinaysa miisaanka oo yaraada, laga yaabo inay sabab u tahay xaalad caafimaad oo aan la daweyn ama aan si sax ah oo aan loo cunin.
8. Waddida oo adkaato
Marka qof ay dhibaato ka haysato baabuur wadida, waxay khatar gelinayaan naftooda iyo kuwa kaleba. Sababtu waxay noqon kartaa dhibaato jireed sida xanuunka kala-goysyada ama aragga oo luma. Ama waxay noqon kartaa arrin maskaxeed sida xusuusta oo lunta.
9. Raxan biilal ah oo aan la bixin
Awood la'aanta inaad la socoto boostada ama aad bixiso biilasha waxay noqon kartaa calaamad muujinaysa in qofka ay ku adag tahay fikirka.
10. Isticmaalida alaabta guriga si aad u wareegto
Ku dhegitaanka alaabta guriga si ay gacan uga geysato socodka guriga waxay noqon kartaa calaamad muujinayso dhibaatada socodka. Tilmaamaha kale waxaa ka mid ah ka fogaanshaha socoshada aan loo baahnayn ama inay ku adkaato soo gelista iyo ka bixista baabuurka.
Caawinaad dheeraad ah oo loogu talagalay dadka haysta Medicaid iyo Medicare
UnitedHealthcare waxay bixisaa qorshaha caafimaadka laba-u-qalmitaanka, ama Qorshayaasha Baahida Gaarka ah ee Labada ah, si loogu caawiyo dadka u qalma Medicaid iyo Medicare labadaba. Dadka u-qalma labada caymis ee Medicaid iyo Medicare inta badan waxay qabaan baahiyo caafimaad oo daran, oo socda. Qorsheyaasha caafimaadka ee laba geesoodka ah ee loo qalmi karo ayaa loogu talagalay inay u sahlaan nolosha xubnaha. Wayna sahli karaan nolosha daryeelayaasha sidoo kale. Qorshayaashaan waxay fududeynayaan isudubaridka daryeelka ee loogu talagalay dadka u baahan inay maareeyaan dhakhaatiir, takhasuslayaal iyo adeegyo daryeel oo badan.
Ogow qorshayaasha UnitedHealthcare ee ka jira aaggaaga
Qorshaha labada caymis ee loo qalmo ama macaashyada qorshaha Medicaid way isbeddeli karaan iyadoo ku xiran halka aad ku nooshahay. Ku raadi koodhka Cinwaankaaga (Zip Code) si aad u hesho qorshaha saxda ah si loo daboolo baahiyaha daryeelka caafimaadkaaga.