UnitedHealthcare waxaa ka go'an inay kaa caawiyaan inaad uga hesho daryeelka aad u baahan tahay meel ka baxsan xafiiska dhakhtarka booqashooyin fogaan-aragga ah.
Qorshayaasha UnitedHealthcare Medicare Advantage:
- Kharash qeybsiga loogu talagalay booqashooyinka fogaan-aragga ah ee la xiriira baaritaanka COVID-19:Wixii booqashooyinka caafimaadka ee la xiriira COVID-19, waxaad heli doontaa $0 kharash qaybsiga ah ee loogu talagalay booqashooyinka bixiyayaasha ku jira iyo ka baxsan shabakadda iyadoo loo marayo muddada xaaladda degdegga ah ee caafimaadka dadweynaha ee qaranka, ee hadda la qorsheeyay inay dhammaato Abriil 15, 2022.
- Kharash qeybsiga loogu talagalay daaweynta COVID-19 iyadoo loo marayo booqashooyinka fogaan-aragga ah:Waxaad mas'uul ka noqon doontaa kharashka qeybsiga (lacagaha go'an, kugu soo aado ama la jari karo) ee loogu talagalay daaweynta COVID-19 iyadoo loo marayo booqashooyinka fogaan-aragga ah. Inta badan qorshayaasha UnitedHealthcare Medicare Advantage waxay leeyihiin $0 oo lacagta go'an ah ee loogu talagalay adeegyada fogaan-aragga ah ee la caymiyo. Ka hubi dhigaalada qorshahaaga wixii tafaasiisha kharash qeybsiga ah.
- Baahinta helitaanka booqashooyinka caafimaadka ee fogaan-aragga ah ee aan la xiriirin COVID-19:Wixii bixiyeyaasha ku jira iyo ka baxsan shabakadda, waxaad heli doontaa booqashooyinka fogaan-aragga ah iyadoo loo marayo muddada xaaladda degdega ah ee caafimaadka dadweynaha ee qaranka, oo hadda la qorsheeyay inay dhammaato Abriil 15, 2022.
Kharash qeybsiga booqashooyinka fogaan-aragga ah ee aan la xiriirin baaritaanka COVID-19 waxaa go'aamin doona qorshaha macaashkaaga. Inta badan qorshayaasha UnitedHealthcare Medicare Advantage waxay leeyihiin $0 oo lacagta go'an ah ee loogu talagalay adeegyada fogaan-aragga ah ee la caymiyo. Ka hubi dhigaalada qorshahaaga wixii tafaasiisha kharash qeybsiga ah.
Qorshayaasha caafimaadka ee Medicaid: Wixii shakhsiyaad ah oo ka diiwaangashan Qorshayaasha Bulshada ee UnitedHealthcare, kala duwanaanshaha gobolka iyo qawaaniinta ayaa laga yaabaa in la dabaqo inta lagu gudajiro waqtigan. Fadlan dib uga eeg mareegta UnitedHealthcare Community Planiyo degelka gobolkaaga macluumaadka ugu dambeeyay ee la dabaqi karo. Haddii aysan jirin ka-dhaafitaano gobol gaar u ah oo la dabqi karo, tilmaamaha caadiga ah ee qorshaha UnitedHealthcare ayaa la dabaqi doonaa.
Wixii macluumadka macaashyada caymiska ah, fadlangal koontadaada qorshaha caafimaadkaama dib-u-eeg ikhtiyaarada caymiska COVID-19 ee dheeraadka ah ee laga yaabo in la heli karo.