Waa kuwaan fikrado ku saabsan waxa aad samayn lahayd si aadan u caajisin haddii aad u baylah noqoto ama lagaa helo cudurka.
Deg oo joog guriga.
Isku day wax cusub. Kari cunto cusub, samee albam sawir, dheel laadhuu, nadiifi armaajooyinkaaga, samee farshaxano, dhageyso muusiga nafiska lej, oo qor liis waxa aad rabto inaad sameyso marka wax walba ay ku soo noqdaan “caadi.”
Dadka la xiriir.
Waa waqti ku haboon inaad ogaado waxa ay samaynayaan saaxiibadii hore iyo qaraabada fog. Ku qabo kulan qoyseed oo fogaan-arag ah Zoom-ka ama kulan kale oo fogaan-araga ah oo maqal iyo muuqaal ah. Dareemida inaad isku xiran tihiin dadka kale waxay kaa caawin kartaa inaad niyadaada kor u qaado.
Samee dhaqdhaqaaq jireed.
Inaad firfircoonaato waxay kaa caawin kartaa inaad niyadaada kor u qaado aadna taageerto habdhiska difaaca jirkaaga. Ku soco agagaarka xaafadda (balse hubi inaad ilaaliso ka fogaanshaha bulshada). Is kala bixi oo samee yooga. Ku ruclee hal goob oo ku samee qoob-ka-ciyaar gudaha qolkaaga fadhiga. Waxaad sidoo kale dhigaalada jirdhiska ee yaala guriga ka hubin kartaa qorshahaaga caafimaad adigoo galaya koontadaada qorshaha caafimaadka.
Cun cunto caafimaad leh oo isku day cuntooyinka cusub.
Cun miraha, khudaarta iyo cuntooyinka isqaba. Cunnista cuntooyinka caafimaadka leh waa qaab fiican oo lagu caawinayo habdhiska difaaca jidhkaaga. Isku day kiwi ama noocyada kala duwan ee looska ah ama shukulaatada madow. Waxa laga yaabaa inay kor u qaadaan tamartaada iyo niyaddaada sidoo kale.
Sii wad inaad ilaaliso naftaada iyo dadka kaleba.
Markaad qaadayso tallaabooyinkan, waan isla wada shaqayn karnaa si aan gacan uga geysano dhimista fiditaanka fayraska.
- Ku dhaqan gacmo dhaqasho habboon mar kasta. Aad ayay muhiim u tahay inaad gacmahaaga ku dhaqdo saabuun ilaa 20 ilbiriqsi kadib markaad joogtay meel fagaare ah, ama aad hindhistay ama qufacday. Sidoo kale iska hubi inaad dhaqdo gacmahaaga markaad diyaarinayso oo aad cunnayso cuntada.
- Nadiifi oo jeermis-dil sagxadaha aad taabato maalin kasta, sida miisaska, handaraabyada iyo qasabadaha.
- Ku dabool afkaaga iyo sankaaga maaskaro markaaad ag joogtid dadka kale.
Nasasho qaado.
Hurdo fiican ayaa fure u ah caafimaadka fiican. Qaado waqti aad ku nasato, neefqaado oo si fiican u seexo. Waa cajiib waxa nasashada fiican kuu tari karto.